Dhibaatooyinka Isfahmi Waaga Lamaanaha – Maxaa Sabab u ah?

 

Isfahmi waaga lamaanaha waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee burburka qoysaska maanta. Dad badan waxay aaminsan yihiin in marka laba qof is guursadaan, jacaylka keliya uu wax walba xallinayo. Laakiin runta ma aha sidaas.

Jacaylka wuxuu u baahan yahay daryeel joogto ah, sida geed la waraabiyo. Waxaa jira dhowr sababood oo keeni kara in lammaane is fahmi waayaan, waxaana ka mid ah:

  1. Isgaarsiin la’aan – Marka lammaanuhu aysan si furan u wada hadlin, dareenka iyo fikirka mid walba waa uu qarsoomaa, taasoo keenta xumaan iyo isku dhac.

  2. Filasho aan la is waafajin – Mararka qaar, qofku wuxuu filayaa in lamaanihiisu garanayo waxa uu dareemayo ama u baahan yahay, taasoo horseedda niyad jab iyo xanaaq.

  3. Cadaadis nololeed – Shaqo la’aan, dhaqaale xumo, ama culeysyo qoys waa waxyaabo si toos ah u saameeya xiriirka lamaanaha.

Xalka wuxuu ku jiraa inaad diyaar u tahay inaad dhageysato si aad u fahamto, ma ahan inaad dhageysato si aad u jawaabto. Waxa kale oo muhiim ah inaad wax ka barato qaladaadka aad gashay halkii aad ku mashquuli lahayd ceebeynta lamaanahaaga.


Comments