In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed waxay doonayaan inay bilaabaan ganacsi u gaar ah, balse ma helaan talo sax ah iyo jiho cad. Ganacsigu ma ahan wax sahlan, balse haddii si xeel dheer loo fahmo, wuu guuleysan karaa. Qodobadan ayaa muhiim u ah guusha:
-
Fikrad cad: Ganacsigu wuxuu ka bilaabmaa fikrad xal u ah dhib jirta. Tusaale: Adeeg gaarsiineed oo lagu keeno alaabta guryaha.
-
Daraasad suuq: Baro dadka aad beegsaneyso, qiimaha suuqa, iyo cida kula tartameysa.
-
Miisaaniyad yar: Bilow si fudud. Uma baahnid lacag badan si aad u bilowdo ganacsi. Bilaab oo koro tartiib.
-
Sumcad: Dadku waxay ku aaminayaan marka ay ku bartaan inaad daacad tahay, adeeg fiican bixinayso, iyo inaad waqtiga ilaaliso.
Xigmad: “Ganacsi wanaagsan wuxuu ka dhashaa baahi jirta iyo dad go’aan leh.”
Comments
Post a Comment